wixii intaa dhaafsiisan la soo xiriira qunsuliyadda
Waqtiyada Shaqada
Maalmaha shaqada iyo saacadahaba waa:
Axad – khamiis :
9:00 – 2:00
Maalmaha fasaxyada rasmiga ah qunsuliyada ma shaqayndoono.
wixii dheeraad ah nala soo xiriira
la soco baasaboorkaaga
page ka passports gal ee magacaaga gali
.si Xaaladda baasaboorkaaga aad ula socoto,
Qofka mowaadinka ah ee baasaboor dalbanaya, waxaa laga doonayaa waxyaalahan:
- Baasaboorkii hore .
- Waraaqo cadaynaya shaqadiisa ama ardaynimadiis.
- caruurta da’dooda ka yar tahay 10 sano waa in ay keenaan baasaboorada waalidiinta.
Waxaa la waydiin karaa Cadaymo intaa dheer waa haddii loo baahdo. Wixii intaa ka badan Qunsuliyadda la xiriir
Wakaaladaha waxay u kala baxaan Wakaalad Guud iyo mid Gaar, qaybta labaad waxaa ka mid ah: wakaalad iib guri, , saami qaybsi, shirkad samayn, dhaxalada iyo wixii la mid ah, qofkan waxaa laga rabaa cadaymaha lahaanshaha maadadaas.
waa in ay la yimaadaan 2 markhaati , Haysta ID’s ama baasabooradooda
Wixii intaa ka badan Qusuliyada la xiriir
Waraaqaha aan xaqiijino waxaa ka mida ah sida waraaqah nikaaxa, dhalashada, shahaadooyinka waxbarshada iyo wixii la mid ah. shahaadooyinka waa in ay soo maran Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somalia, saas darteed mowaadinku waa in uu ka foojiknaadaa oo ka soo shaabadeeyaa wasaaradda.
Wixii intaa ka badan Qunsuliyadda la xiriir.